WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Wararka Saaka ka soo ifbaxaya degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa ay tibaaaxayaan in Daryanka iyo dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda oo isku garab ah iyo dagaalyahanada xarakada mujaahidiinta Al- Shabaab oo Saaka ka qarxay duleedka degmada Afmadow ee Gobalka Jubbada Hoose.
Sida wararka ay nagu soo gaarayaan ayaa waxa ay tibaaxayaan in Dagaalka xoogiisa uu ka soconayo inta u dhaxeysa deegaanada Taabta, Xayo iyo Arba qarso oo qiyaasahaan u jirta 17/KM degmada Afmadow.
Sida Ay Xaqiijinayaa Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Afka soomaaliga ku Hadasha ee BBC-da Ayaa Sheegay in Daryanka Rasaasta calculus laga maqlayo Degamada afmadoobe ee gobalka Jubbada Hoose isla markaana Goobjoogahana Xaqiijiyay in shacabka degenaa Af-madow ay Bilaaween in ay ka barakaan Goobtaasi uu ka socdo dagaalka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa Waxaa la sheegaya in saacadiihi la soo dhaafay ay ciidamadu bilaabeen iney ku sii siqaan degmada Af-madow ee gobalka jubbada hoose.
warar ayaa waxaa intaa ay ku darayaan in Dagaalka saaka ka bilowday Duleedka Af-madoob Uu Daba Socdo dagaal Maalintii shalay ahayd ka dhacay inta u dhaxeysa Qooqaani iyo degmada Af-madow .
Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay saacadaha soo socda ay geli doonaan degmada Afmadow, iyadoo Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya uu xalay u sheegay Warbaahinta in marka waaga uu baryo ay gudaha u geli doonaan Afmadow.
Lama oga qasaaraha dagaalada dhex maraya dhinacyada saaka isku haya duleedyada Afmadow, waxaase suura gal ah in labada dhinac uu ka soo gaaro dhimasho iyo dhaawacba ah.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Afmadoob-jubbada hoose.