Ciidamada milatariga TFG-da oo Garab Milatari Ka Helaya Ciidamda dowlada dalka Kenya Oo ku sii siqaya Kismaayo.

0
581


SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM

Wararka naga soo gaaraya Gobalada Jubboyinka ayaa waxa ay sheegayaa in ciidamada dowlada TFG-da Oo Garab Ka Helaya kuwa Dalka Kenya In ay Bilaaween Dagaalo Ay Ku Balaarsanayaan Goobaha Ay Kaga Sugan Yihiin Gobalada Jubbooyinka.

Sida Ay u sheegayaan Warqabadka Radio Maanta Ila Waredyo Lagu kal soonyahay ayaa waxey caddeynayaan Ciidamada Dowlada KMG iyo Kuwa Kenya In ay Ku sii Siqayaan Magaalada Kismaayo oo Xarun U Ah Gobalka Jubbada Hoose

Dhanka kale wararka ka soo baxaya saraakiisha Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa waxa ay sheegayaan in ay dhankooda wadaan Qabanqaabo Ay Uga Gonleyihiin In ay dib Uga Soo ceshtaan Goobihiin Dhawaan Gacan ku heyntooda Lagala Wareegay.

Si kastaba Ha ahaatee Hawl-galadaan ay wadaan ciidamada Midowga afrika iyo Kuwa Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xili ay sii weeqeyso Awoodii Ay Lahaayeen Xaraka Al-shabaab.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya