Warkaan ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli aaminsantahay doorashadii ka dhacday Kismaayo ee uu Axmed Madoobe kusoo baxay in ay khilaafsaneyd dastuurka Jubaland iyo kan dowladda dhexe.Sidoo kale waxaa warkaan uu Axmed Madoobe ugu baaqayaa inuu dhigo gogol nabadeed oo dhammaan ay isku saamaxayaan beelaha Jubaland wada dega.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay aad uga xuntahay fara-gelin ay sheegtay in doorashadaasi ay ku sameysay Kenya, iyadoo kaga faa’iseysaneyso arrimaha labada dal u dhexeeya “Soomaaliya iyo Kenya”, gaar ahaan arrimaha badda ee horyaalla maxkamadda ICJ.
Warkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada sano ee Axmed Madoobe dowladda Soomaaliya u aqoonsatay Madaxweynaha KMG ah ay ka billaabaneyso xilligii uu ku ekaa mudda xileedkiisii hore.












