Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa waxay sheegayaan in Raysul wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed uu ka degay goor dhow garoonka Bole International airport ee magaalada Jabuuti, isagoo ka qeyb-galayo wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Itoobiya iyo Mareykanka ayaa gadaal ka riixaya in labadan dhinac ee Muqdisho iyo Hargeysa ay isi-soo hor fadhiistaan.
Sidoo kale waxaa la filayaa in Jabuuti ay gaaraan wafuudda labada dhinac oo ay kala hoggaaminayaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.











