wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa sheegay In saddex qof oo cusub laga helay cudurka Covid19 ka dib baadhitaan dibada ah loo lagu sameeyey.
Saddexdan qof ayaa laba waxay ku nool yihiin Hargeysa, halka qof ka kalena ku nool yahay magaalada Boorama, waxa kale oo ay xuseen in laba kale oo ay ka shakisan yihiin baadhitaankooda ku jiraan.
Wasaarada caafimaadku waxay sheegeen in guud ahaan Somaliland inta la xaqiijiyey tahay (5) shan qof, sadexdan cusub iyo labadii hore.
Saddexdan cusub ayaa laga helay labaatan qof oo baadhitaan lagu sameeyey ka dib markii looga shakiyey astaamihii cudurkaasi.
Wasaarada caafimaadka ayaa dadka usoo jeedisay inay guryahooda joogaan oo aanay dibada usoo bixin, isla markaana nadaafada iyo faraxalka badiyaan.











