Ciidanka xooga dalka iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM ayaa sheegay inaay fulinayaan amarkii kasoo baxay gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ahaa in si dhaqsa ah lagu xiro xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana ciidanku aay sheegeen in sidoo kale lajoojin doono isku socodka gudaha dalka taasi oo aay sheegeen inaay muhiim u tahay in layareeyo faafitaanka xanuunka halista ah ee Karona faayris.
Saraakiisha qeeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa hadalkan uga dhawaaqay shir aay la yeesheen gudoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaana ciidanku aay uga baaqeeyn shacabka magaalada Beledweyne inaay ka foojignaadaan xaniuunkan islamarkaana aay muhiim tahay in ka fekiraan caafimaadkooda.
Jeneraal Saalax Yaacquub oo ah abaanduulaha qeeybta 27-aad ee CXD ayaa yiri,”Ciidankeena iyo walaalaha AMISOM waxaan halkaan uga dhawaaqeynaa inaan fulin doono amarkii kasoo baxay gudoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaan saacadaha soo socda aan xiri doonaa xadka aan la wadaagno dalka Itoobiya, ma jiri doonaan wax isku socod ah oo sii shaqeeynaya, arinkaan waxaan uga dan-leenahay inaan ku yareeyno faafitaanka cudurkan halista ah ee COVID-19”.
Jeraraal Saalax Yacquub ayaa sidoo kale sheegay inaay muhiim tahay in dadweeynuhu aay u hogaansamaan amarka maamulka, waxaa uu intaas ku daray in ciidanku aay u dhisanyihiin bad-baadinta shacabka, islamarkaana aay adeegsan doonaan wax walba oo aay ku badbaadinayaan dadka.
Saraakiisha ciidanka AMISOM oo munaasabada ku sugnaa ayaa sheegay in maamulka iyo ciidanku aay isla qaateen in aay muhiim tahay in la qaado talaabooyin looga hortagaayo faafitaanka cudurka Karoona Fayris.
Lama oga sida rasmiga ah ee loo xayiri doona ganacsiga jaadka ee ka yimaada dhanka Itoobiya kaasi oo si maalin la’ah loogu iibiyo Beledweyne, waxaana dadka Beledweyne aay sheegayaan in aay adagtahay xiritaanka xadka Itoobiya maadaama ganacsatada jaadku aay awood badan kudhex leeyihiin maamulka.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa laba maalin kahor ku dhawaaqay in lajoojin doona isku-socodka dadka iyo ganacsiga ee isaga kala goosha Itoobiya iyo Soomaaliya.











