Xanuunka Covid-19 oo Dalka Shiinaha Mar Kale Ka Dillaacey.

0
510

Shiinaha ayaa soo sheegay in ka badan 100 kiis oo cudurka coronavirus ah, oo badankood laga helay dad dibedda uga yimid, waana tiradii ugu badneyd maalin kasta tan iyo 6-dii Maarso.

Sida uu sheegayo Komishanka Qaranka ee Caafimaadka (NHC), 108 xaaladood oo cusub ayaa laga xaqiijiyey badweynta Shiinaha iyo gobolka Xinjiang 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, iyadoo 98 ka mid ahi ay ahaayeen dadyow ka yimid dibedda.

Laba dhimasho oo dheeri ah ayaa sidoo kale laga soo sheegey magaalada Wuhan, halkaas oo fayrasku markii ugu horreeyay ku soo shaac baxay bishii Diseembar ee sanadkii hore.

Si kastaba ha noqotee, wax kiis ah lagama soo sheegin bartamaha gobolka Hubei.

Xogta guddiga caafimaadka qaranka ayaa muujisay kiisaska dibedda laga keeno inay sii kordhayaan maalinba maalinta ka dambaysa, maadaama 97 ka mid ah 99 xaaladood oo la soo sheegay Sabtidii ay iyaguna ahaayeen safarro dibedda ah.

Tirada guud ee kiisaska dibedda laga keenay ayaa haatan gaaraya 1,378, iyada oo aanay jirin wax dhimasha ah. Sidoo kale 511 qof ayaa kasoo kabatay cudurka.

Sida lagu xusay warbixinta guddiga, guud ahaan shiinaha guud ahaan kiisaska COVID-19 ayaa hada ah 82,160 xaaladood – 3,341 bukaan ayaa dhintey, halka 77,663 ay ka soo kabsadeen oo laga soo saaray isbitaalada.