SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM
Bayaanka ka Dhanka ah Ganacsatada oo ay Soo Saareen xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Iyadoona ganacsatada lagu eedeeyay in Jaqayaan ama ey Miiranayaan Dhiigga Shacabka Soomaaliyeed.
Bayaanka oo ka So baxay Xafiiska La-socodka Dhaq Dhaqaaqa Hay’adaha ee Xarakada mujaahidiin al-Shabaab, ayaa waxay Xarakada ay si adag ugu cambaareyay ganacsatada soomaaliyeed,iyadoona dusha eed uga tuuray inay shacabka soomaaliyeed ka iibinayaan cunooyin dhacay.
Bayaankana ayaa waxaa lagu muujinayaa in ganacsatada soomaaliyeed ay caado ka dhigteen inay shacabka soomaaliyeed ka iibiyaan raashin dhacay, laakin bayaanka waxaa lagu xusay ineysan u dulqaadan doonin wixii ka dambeeya 21-ka bishaan,oo shalay ku beegneed.
ganacsatada soomaaliyeed ayaa waxay sidoo kale ay uga distay inaysan shacabka soomaaliyeed ka iinin raashiinka ay keentay hay’adda WFP , oo ay ku tilmaameen kuwo uu kolhore dhamaaday waqtigii loogu talla gallay in la-isticmaalo.
Bayaanka Ayaa waxaa Xarakada Mujaahidiin Al-shabaab ku qeexeen inay tallaabo adag ka qaadi doonaan ganacsade walba oo amuurtaan dhagaha iska tira ama fulin waayo ama lagu arko,iyadoo hadhow ka dhigtay in eedeemo loo-soo jeediyo xaraka mujaahidiinta al-shabab, Haddi ay Ganacsatada tallabo ka Qaado.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.




