
SHABAKADA WARARKA WARSOM.COM
Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday dowladda KMG Soomaaliya gaadiidka xamuulka
ah ee ay isticmaalaan ciidamada, kuwaas oo gaarayey 28-gaari oo isugu jiray kuwa
waa weyn iyo kuwa yaryar, waxaana ku wareejiyey gaadiidkaasi dowladdaz KMG
Midowga Afrika oo wakiil ka ahaa dowladda Mareykanka.
Munaasabaddii lagu wareejinayey gaadiidka ayaa waxaa hadal ka jeediyay mid ka
mid ah saraakiisha ciidamada Midowga Africa, wuxuuna sheegay in deeqda gaadiidka
ah ee la siiyey dowladda KMG ay qeyb ka tahay sida uu yiri dib u dhiska
ciidamada iyo soo celinta nabadgalyada Soomaaliya.
Wasiirka Ganacsiga dowladda KMG Soomaaliya C/wahaab Ugaas Khaliif oo isna ka
hadlay munaasabadda ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan taageerada ay dowladda
Mareykanka u fidisay dowladda KMG, wuxuuna intaasi ku daray in dowladoodu ay
baahi weyn u qabto inay caalamku ka caawiyaan waxyaabo badan, gaar ahaan dib u
dhiska ciidamada oo uu sheegay inay ku burbureen dagaaladii sokeeye.
Dowlada Japaan ayaa horay ugu deeqday Dowlada Soomaaliya Gawaarida Ciidamad
gaar ahaan kuwa Booliska taas oo ay ugu talagashay inay ku saacido dib u dhiska
ciidamada Soomaaliya, iyadoo gaadiidkan uu Mareykanku ugu deeqay dowladda KMG
waxa uu noqonayaa kii labaad ee ay bishan gudaheeda hesho dowladda KMG
Soomaaliya.
Xafiiska Warqabadka warsom.com
Muqdisho,Somaliya




