Wararka ka imanaya duleedka Muqdishu ayaa sheegaya in maanta uu qarax ka dhacay waddada dhinaceeda kasoo lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada dawladda oo halkaasi kusocdaalayeen.
Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen laba askari,oo ka tirsan ciidamada dowlada soomaaliya halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxyada wadada dhinaceeda la dhigo ayaa waayahan kusoo kordheeysa duleedka muqdiaho kuwaasoo inta badan ay qasaaro ka soo gaarto ciidamada dowlada oo wadadaasi marin u ah.










