Qarax Khasaare Geystay oo Markale Lagu Weeraray Ciidamada Kenya .

0
511


shabakada Wararka Warso.com 

Wararka naga soo gaaraaya xeryaha qaxootiga Dhadhaab waxay soo sheegaayaan in qarax miino oo khasaare geystay gudaha xerada Dhagaxley lagula eegtay Ciidamada Kenya.

Qaraxaasi oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidamada Kenya, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray Ciidamada Kenya.

Hal askari oo katirsan Ciidamada Kenya ayaa lasoo xaqiijiyey in uu qaraxa ku geeriyooday, ilaa afar kale oo Ciidamada kamid ah ayaa dhaawacmay, sidoo kale waxaa gebi ahaanba bur buray gaarigii ay wateen Ciidamadaasi.

Ciidamada Kenya ayaa qaraxa kadib waxay sameeyeen hawlgallo ay ku qab qabteen ilaa 40-ruux oo dhalinyaro u badan oo ay qaraxa ku eedeeyeen.

Maalin ka hor ayey ahayd markii qarax ay ku dhinteen askarta katirsan Ciidamada hay’adaha Ilaaliya ee Kenya ay ku geeriyoodeen qarax miino oo gaarigii ay saarnaayeen waddada loo dhigay.

Waxaa aad u cakiran xaaladda xerada Dhagaxley oo ay ku jiraan kumanaan qaxooti ah Soomaali ah, waxaan soo foodsaartay cabsi aad u xooggan.

Xafiiska War Qabadka Warsom.com

Muqdisho,Somaliya