Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu ka hadlay tallaabada lagu joojiyay muxaadaradii uu maanta u qorsheeyay in uu ku qabto Magaalada Muqdisho.
Isagoo ka hadlayay kulan soo dhawayn ahaa oo galabta loogu sameeyay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu tilmaamay in uu isagu go’aansaday tallaabada lagu joojiyay muxaadarada.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa wuxuu tani ku macneeyay, isagoo diidanaa in wax dhiig ah uu ku daato qabashada muxaadarada, oo ujeedkeedu uu ahaa in uu ugu nasteexeeyo Madaxda Soomaalida.
Wuxuu tilmaamay in Magaalada Muqdisho uu kula kulmay Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana uu qaatay in uu jeediyo muxaadarada uu ugu nasteexeenaayo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Waxaa uu ku celceliyay in uu gebi ahaanba uu ka tanaasulay jeedinta muxaadaradaasi, isla-markaana aanu dalka u baahnayn mucaarad iyo is qabqabsi dambe.
Wasaaradda Diinta & Awqaafta ayaa waxay Sabtidii sheegtay in la joojiyay muxaadaradii uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal shacabka reer Muqdisho uga jeedin lahaa Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow ee Magaalada Muqdisho.
Tani ayaa waxay ka dambeysay markii Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamuud Abuukar (Soomow) uu dood adag ka keenay in Sheekh Umal uu ka muxaadareeyo Magaalada Muqdisho, sababo ku aadan, isagoo ku eedeeyay in uu horey u taageersanaa fekerka Shabaabnimada, oo noqday mid dadka Soomaaliyeed lagu gumaado.










