Kormeekani uu hogaaminayey Gudoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka banaadir Maxamed Cabdulaahi Tuulax ayaa Caawa waxaa lagu sameeyey qaar ka mid Degmooyinka Gobolka Banaadir
Kormeerka Gudoomiye Tuulax Waxaaa ku wehlinayey Xubno sar sare oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir Waxaana u jeedka Kormeerka uu ahaa sidii loo ogaan lahaa haddii ay jirto dad waxyeelo uu geystay Roobabka ka da”ay Magaalada Muqdisho.
Mas”uuliyiintani ayaa kormeeray Degmooyinka ka tirsan Gobolka Banaadir oo saacadihii la soo dhaafay uu ka da”ay Roobab Xoogan.
Maxamed cabdulaahi Tuu;lax ayaa sheegay in ka go”an tahay sidii looga gurman lahaaa dadka Roobabka ay saameeyeen.
Saacadihii la soo dhaafay Muqdisho waxaa ka da”ay Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo Duunyada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.










