Xili dhowaan maamulka Puntland uu dhaliilay qodobada qaar eek u qoran Dastuurka cusub ayaa siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqay in arintaas ay beesha laamka wax ka qabato.
C/laahi Sheekh Xasan oo sidoo kale ah gudoomiyaha isbahaysiga Nabada ayaa in Puntlnd aysan ka soo horjeesan Karin Dastuurka cusub ee haatan la doonayo in la meel mariyo.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu cadeeyey inuu caqabad ku yahay roadmap-ka iyo Dastuurka cusub, isla markaana uu ka soo horjeestay markii uu dantiisa ka waayay.
Sidoo kale wuxuu xusay in Qaramada Misoobay, Midowga Afrika iyo IGAD ay digniin Soo saareen wuxuuna sheegay in digniintaasi ay u muuqato mid ku aadan oo kaliya baarlamaanka Soomaaliya.
Puntland ayaa ayadu dhowaan waxay soo bandhigtay qodobada qaar eek u qoran dastuurka Soomaaliya oo ay diidantahay ka dib markii ay u saartay gudi wasiiro ah oo ka tirsan maamulka Puntland.