Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday mid kamid ah Xubnihii shabaabka ahaa ee qeybta ka ahaa weerarkii lagu qaaday Xarun Gaalkacyo uu ku lahaa Wadaad lagu magacaabi jiray Cabdiwali Sheekh Cali Cilmi Yare iyo Xertiisa.
Guddoomiyaha darajada 1aad ee Maxkamada Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay Xukunka lagu riday Shaqsigaasi ka qeyb ahaa Weerarkii lagu dilay Wadaadka iyo Ciidamo ama Xer kale oo ilaalo u aheyd.
Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay Ninkaasi in lagu Xukumay dil Toogasho ah, kadib markii uu gacantiisa ku ku dilay sido kale Askari qeyb ka ahaa badbaadinta dadkii halkaa ku jiray
Cabdiwali Sheekh Cali Cilmi Yare ayaa ahaa Wadaad Mudo caan ka ahaa gudaha Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo, kadib markii uu qaaday qasiidooyin iyo waxyaabo kale oo mariii dambe ay Al Shabaab dileen.










