Friday, July 24, 2026
Home Wararka Booliska Somalia Oo Sii Daayay Ragii Loo Heystay Dilkii Almaas Elman.

Booliska Somalia Oo Sii Daayay Ragii Loo Heystay Dilkii Almaas Elman.

0
542
Ciidamada Booliska Somaliya ayaa waxay saqdii dhexe ee xalay sii daayeen laba nin oo ay u soo xireen dilkii Xerada Ciidanka Amisom ee Xalane loogu gaystay Almaas Elman Cali Axmed.

Labada qof ee falkaasi loo soo xiray ayaa kala ah Wariye Saciid Fadhaye oo ka mid ah Wariye-yaasha Soomaaliyeed ee degan Magaalada London iyo darawalkii gaariga waday, xilligii ay toogashada dhaceysay.

Dilka Almaas Elman ayaa wuxuu gelinkii dambe ee Isniintii ka dhacay wadada xiriirisa Xarunta Xalane iyo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Almaas Elman ayaa ka hor inta aan la dilin waxay ka soo baxday shir Midowga Yurub uu ku lahaa Xarunta Xalane, iyadoona ku sii socotay Garoonka Aadan Cadde, si ay dib ugu laabato Magaalada Nairobi, oo maalmo ka hor ay ka timid.

Wariye Saciid Fadhaaye oo qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakadda bulshada ku wada xiriiraan ee Facebook ayaa wuxuu ku sheegay in isaga iyo darawalkiiba ay dib xoriyadooda u helayn.

Wariyaha iyo darawalka oo muddo saacado ah lagu hayay Saldhiga Booliska ee Garoonka Aadan Cadde ayaa sida muuqato waxaa wax laga weydiiyay dilka gabadhaasi loo gaystay iyo sida uu u dhacayba.

Allaha u naxariistee Almaas Elman oo iminka ahayd shaqaale ka tirsan Xafiiska Xiriirka & Isgaarsiinta ee Midowga Yurub ayaa u geeriyootay xabad u muuqatay in meel fog laga soo tuuray.

Taliska Booliska Somaliya ayaa xalay sheegay in la furay gal dacwadeed ku aadan dilkeeda, ayna baaristaasi ka qayb qaadanayan Saraakiil aqoon u leh dilalka ceynkaasi oo kala ah.