Max’ed Cali Catoosh “Waxaan Ka Gacanta Ku Heynaa Dadki ka Dambeyay Dilalka iyo Qaraxyada ka dhacay baydhabo”

0
569

Shabakada Wararka Warsom.com

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaashaan dhiga Xukuumada KMG Soomaaliya Maxamed Cali Catoosh oo lahadlay Warbaahinta saakay ayaa waxaa uu sheegay in ay gacanta ay kuhayaan dad lagu tuhmayo in kadambeeyeen Dilalkii iyo qaraxyadii kadhacay Magaalada Baydhabo.

Maxamad Cali Catoosh ayaa sheegay in lagu soo qabtay dadkaan howlgalo ay iska kaashadeen Ciidamada dowlada iyo dadka deegaanka ah sidaasna ay kusuu ragashay in gacanta lagu soo dhigo.

Wasiirka waxaa kale oo uu sheegay inay soconayaan Baaritaano lagu samaynayo ragaan lasoo qabtay oo latuhun sanyahay inay katirsan Yihiin Al-shabaab ama ay u adeegaan.

Baydhabo waxaa Tan iyo Markii ay lawareegeen Ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya waxaa kadhacay qaraxyo iyo dilil kaas oo ay masuuliyadeeda ay sheegteen Ururka Al-shabaab.

Magaalada Baydhabo ayaa dhawaan waxaa lagu wadaa in si rasmi ah loo geeyo Ciidamada Amisom oo badalaya Ciidamada Itoobiya ee aanan katirsan howlgalka Midowga Africa.

 

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya