Afhayeen u hadlay ciidamada gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in sarkaalkan ay qabteen lagu magacaabo Abshir Cabdullahi horena ugaga mid ahaa Alshabaab gaar ahaan qeybteeda dacwada. Waxana uu afhayeenku intaa ku daray in ninkan uu ku dhuumanayay degmada Dhoobley.
Ninkan ay qabteen ciidamada dowlada ayaa lagu xirey saldhiga booliska ee Dhoobley halkaa oo la sheegay in su’aalo lagu weydiinayo.
Ciidamada DKG ah ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in ay qabteen sarkaal ka mid ahaa ururka Alshabaab ee gobolada Juboyinka.
Illaa iyo imminka lama xaqiijin in ninkan la qabtay uu weli kamid ahaa Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab iyo in uu ka tegey.
Hore ayaa maamulada Jubbooyinka u shaaciyeen in ay cafis u fidinayaan cid kasta ee ka soo tagta Alshabaab balse lama oga sababta keentay haatan in nin gurigiisa iska joogo loo qabto waxa uu hore ugaga mid ahaa Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo dagaalo xoogan ka wada gobolada Jubooyinka ayaan ka hadlin warkan ku saabsan soo qabashada sarkaalkan ka tirsanaa Xarakada Mujaahidiin Alshabaab. Dhalinyaro faro badan oo Soomaali ah ayaa ku biirtey xarakada Mujaahidiinta Alshabaab saddexdii sano ee ugu dambeysey ee ay gacanta ku hayeen gobolo badan oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaal, waxaana dhalinyaradaas soo jiitey afkaarta iyo ujeedada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Hase yeeshee waxaa bilooyinkii la soo dhaafay soo baxayay warar tilmaamaya in rag badan ay ka goosteen Xarakada Mujaahisiinta Alshabaab isla markaana dhalinyaro badan ay dib ugu laabteen reerahooda kadib markii ay soo bateen dagaalada iyo dhibaatooyinka soo gaaraya dhalinyarada ka mid Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.