Gary Neville Oo Loo Magacaabay Mid Ka Mid Caawiyaayaasha Macalinka England Roy Hodgson.

    0
    735

    Kabtankii hore ee kooxda Manchester United Gary Neville ayaa loo magacaabay xubin ka tirsan shaqaalaha Roy Hodgson ee xulka England.

    Neville ayaa ciyaaraha kubada cagta ka fariistay Febraayo 20112 isagoo 85 kulan u saftay xulka England islamarkaana sideed horyaal la qaaday United, waxaana uu falanqeeye dhanka ciyaaraha ka ahaa xilli ciyaareedkan TV-ga Sky Sports. Si kastaba, waxa uu haatan aqbalay inuu la shaqeeyo tababaraha cusub ee xulka England ka hor ciyaaraha Euro 2012, isagoo heshiis afar sanno ah u saxiixay xiriirka kubada cagta Ingariiska ee FA-ga.

    Hodgson ayaa u sheegay website-ka FA-ga: “Gary wax badan ayuu qabsaday inuu kubada cagta ku dhex jiray, intii uu ciyaaryahan u ahaa Manchester United iyo xulka England”.“Waxa uu ogolaanshihiisa tababarka ka helay UEFA, waxaana ciyaartoyda ay ku ixtiraamaan khibarad uu leeyahay ciyaaryahan ahaan”.

    Xafiiska Sports-ka Shabalada Wararka Warsom.com
    Cabdi Rashiid Ciise Cali
    C.rashiid9@hotmail.com
    Muqdisho,Somaliya