7-Ruux Oo Burcad Badded Somalia ah Oo Ay Gacanta Ku Dhigeen Ciidamada Badda Turkiga

0
619

 

Shabakada Wararka Warsom.com
Ilaa 7-ruux oo u dhashay wadanka Oman ayaa laga soo furtay kooxo burcad badeed Soomaali ah, kaddib markii ciidamada badda Turkiga ah ay weerareen, iyadoona ciidamada ay gacanta ku dhigeen 14-burcad badeed Soomaali ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah oo ka dhacay xeebaha wadanka Oman ayaa lagu sheegay war ka soo baxay commandoska Dowladda Turkiga in burcadda ay soo qabteen ay soo taagayaan maxkamad isla markaana lagu fulinayo xukunka dembiga ay geysteen.

 

Taliska ciidamada badda dowladda Turkiga ayaa sheegay in 14-ka burcad badeeda ah haatan ay ku xiran yihiin xabsi ku yaala wadanka Turkiga, iyadoona kooxahaasi doontii ay wateen iyo qalab kale oo hub uu ka mid yahay ciidamada Turkiga gacanta ku hayaan.

 

Weerarka ciidamada Turkiga ay u geysteen kooxaha burcadda badeeda Soomaalida ah ayaa waxaa sidoo kale ay u adeegsadeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicoptarka loo yaqaano, mana jirto wax shaqaaqo ah oo halkaasi ka dhacay mudadii burcadda ay qabanayeen.

 

Dhinaca kale ciidamada Turkiga ayaa iyagu doonaya in dalka Soomaaliya ay u soo wareejiyaan si halkaasi maxkamad loogu saaro isla markaana sharciga dalka xukunka uga yaalla dembiyada burcad badeednimada loogu qaado.

 

Xafiiska Warqabad Warsom.com
Muqdisho,somaliya