James Swan Wakiilka Q/M ee Soomaaliya oo Sheegay In ay Lagama Maarmaan Tahey Wada Shaqeynta DFS iyo M/goboleedyada.

0
553
Mr. James Swan, Special Representative ofthe Secretary-General and Head ofthe United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2019/661)

Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya Mr James Swan ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo wada shaqeyntii Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo Dowlad gobolleedyada.

Hadalka ayuu ka sheegay kaddib kulan maalintii shalay magaalada Garoowe uu kula yeeshay madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo laftirkiisa uusan wanaagsaneyn xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in wada-shaqeynta dowladda  iyo Dowlad goboleedyada  ay horseedi karto in la helo nabad iyo amni waara taasina looga baahan  yahay in la hirgeliyo.

James Swan ayaa gaar ahaan ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in soo celiso wadashqeyntii kala dhaxeysa Dowlad gobolleedyada islamarkaana la xaliyo Khilaafka gaar ahaan kala dhaxeeya Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu gacanseyrtay dib u doorashadii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, hasse ahaatee waxaa doorashadaa si buuxda u taageeray maamul gobolleedka Puntland iyo madaxweyne Deni uu ka qeybgalay munaasabadii caleemo saarka Axmed Madoobe ee ka dhacday magaalada Kismaayo.