Rabshado Ka Dhanka ah Abiy oo Ay Ku Dhinteen Illaa 16 Qof Waa Maxey Sababta Ka Danbeysa Debedbaxyadan.

0
566

 Inta la xaqiijinayo ilaa 16 ruux ayaa lagu dilay ama ku dhintay rabashadihii saacadihii ugu danbeeyay ka dhacay dalka Itoobiya ee looga soo horjeedo ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.

Rabshadahan Dhacaya waxaa gadaal ka riixaya Ninka lagu magacaabo Jawar Maxamed oo horay u ahaa shaqsi siweyn ugu dhawaa ama saaxiib lahaa ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxaana uu ka tirsan yahay Qowmiyada ugu badan dalkaasi Itoobiya ee Oromada oo xitaa Abiy Ahmed uu ka soo jeedo.

Amnesty International ayaa sheegtay in dhimashadu intaa ka badnaan karto madaama ay soo baxayaan warbixinno hor leh oo ka hadlaya qalalaasaha taagan, iyadoo dhinaca kalana aysan jirin wali wax hoos u dhac ah oo ay sameynayaan dibadbaxyada iyo rabshadaha intaba.

Dadka dhintay qaarkood waxaa haleeshay rasaas ay rideen ciidamada Amaanka halka, sidoo kale waxaa jira dadku dilalka u isticmaalyaan wax kasta oo ay heli karaan.

Guryaha qaarkood dab ayaa la qabsiiyay, gaadiid ayaa sidoo kale rabshadahan dhacaya lagu burburiyay, waxaana sidoo kale jira khasaare kale oo wali la soo cadeyn inta uu la eg yahay.

Ninka lagu magacaabo Jawar Maxamed oo warbaahinta la hadlay waxaa uu ku baaqay in degenaan la muujiyo, laakiin haddana marka dhinaca kale la eego waxaa uu ku eedeynayaa xukuumadda in ay ku xadgudubtay oo ay qatar ku tahay nolashiisa.