Shirkadaha Shel iyo ExxonMobil oo ku leh Soomaaliya Xirmooyin Shidaal ayaa muddo dheer kaddib hadda waxaa ay bilaabeen in ay bixiyaan Ijaarka ama kirada Xirmooyinka ay ku leeyihiin Soomaaliya iyaga oo bixiyay Lacag dhan 1.7Milyan oo dollar, sida ay sheegtay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.
Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Batroolka iyo Macdanta Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayaa sheegay in lacagtaan hadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gacanta ku heyso, islamarkaana Shirkaddahaasi ay diyaar u yihiin in ay dib u soo celiyaan kaalintoodii Shidaalka Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka lacagahaas ay u qeybsan doonaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, maadaama ay horay ugu heshiiyeen qeybsiga kheyraadka dalka ee heshiiskii Baydhabo.
“Maamulka Lacagtan ayaa ku salaysnaan doona heshiiskii kheyraad wadaaaga ee ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada” ayuu shaaciyay wasiir Ku xigeenka Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka, Maxamud Cabdiqaadir Hilaal.











