Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in caawa lagu rasaaseeyay Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo sidoo kale ka mid ah Hoggaanka sare ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.
Ciidamada Dowladda Somaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa si bareer ah u rasaaseeyay Madaxa Xukuumadda Galmudug, xilli uu ku sugnaa mid ka mid ah guryaha uu ku leeyahay magaaladaasi.
Ciidamada Dowladda oo aad mooddo inay ugu soo tala-galeen weerarkaasi ayaa beegsaday Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, mar uu soo kormeeraayay hoygaasi oo loo samaynayo carro tuur difaac ah iyo barraha dadka lagu hubiyo, laguna baaro dadka hoyga soo booqanaya.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku sheegaya in tiro ka mid ah Ciidamada Dowladda ay ka masuul ahaayeen weerarkaasi.
Ciidamada Dowladda ayaa weeraray Xerada Inji oo ka mid ah meelaha uu degan yahay Sheekh Maxamed Shaakir, dib ayayna markiiba u carareen, waxay weerarkan soo qaadeen, xilli Sheekh Maxamed Shaakir uu ku sugnaa goobta.
Ilaalada Sheekh Maxamed Shaakir ayaa rasaas xoogan kaga jawaabay weerarkasi, waxayna ku baxeen meeshii ay u carareen Ciidamadii Dowladda ee rasaasta soo furay, laakiin way iska soo laabteen, markii ay arkayn inay fogaadeen.
Weerarkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli Ahlu Sunada Galmudug ay ka biyo diiday Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug, ee ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, iyadoona ay Ahlu Sunna taasi bedelkeeda soo magacawday guddi kale.
Labada awoodood ee xilligan isu haya Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay qalqal ku keenaan xaaladda amni ee magaalada.





