Agaasimaha cusub ee hay’adda lacagta adduunka IMF Kristalina Georgieva ayaa shalay sheegtay inay taageersan tahay in daymaha laga khafiifiyo Soomaaliya.
Hadalkaasi waxay jeedisay kadib markii ay magaalada Washington DC kula kulantay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre Oo sheegay in Soomaaliya lagu leeyahay ku dhowaad 5 bilyan oo dollarka mareekanka.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa xaqiijiyay in dhamaan heshiisyadii soomaaliya looga cafinlahaa deymaha lagu leeyahay ay usoo dhamaadeen kaliyana haatan ay dhowr sugayaa in lagu dhawaaqo cafin ama khafiifinta deymaha.





