
Shabakada Wararka Warsom.com
Dilka ayaa wuxuu ka dhacay suuq ku yaalla bartamaha Baydhabo, waxaana kooxda dilka geystay u suuro-gashay inay goobta ka baxsadeen, iyadoo labadan qof ay tirada dadka sida toosha loogu toogtay Baydhabo ka dhigayaan illaa Feberaayo sagaal qof.
“Haweeneyda la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Nuurto waxayna ahayd haweeney ka ganacsatada Shaaha lamana oga sababta loo dilay,” ayuu goobjooge Baydhabo ku sugan u sheegay.
Ninka kale ee dhintay oo isaguna ahaa dillaal ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay rasaastii lagu dilayay haweeneyda, laakiinse uu u dhintay dhaawicii gaaray oo halis ahaa.
Saraakiisha dowladda KMG ah ee ku sugan Baydhabo ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan falkan lagu dilay labada qof, waxaase ay horay ugu eedeeyeen falal noocan oo kale ah oo xoogagga Al-shabaab.
Xarakada Al-shabaab ayaan weli sheegan inay mas’uul ka tahay dilka labada qof loogu geystay Baydhabo, balse waxay saraakiishoodu horay u sheegeen inay howl-gallo ka wadaan gudaha Baydhabo.
Degmada Baydhabo ayaa waxaa 22-kii bishii Feberaayo ee sannadkan la wareegay ciidamada dowladda KMG ah oo garabsanaya kuwa Itoobiya kaddib markii ay isaga baxeen xoogagga Al-shabaab oo muddo saddex sano iyo maalmo ah ka talinayay.