( Shabakada Wararka Warsom.com )
Md. Daahir Mire Jibriil oo ah guddiga wax ka qoray Dastuurka qabyo qoraalka ayaa ka hadalay war Bixin Dhaliishii xafiiska Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Ka Soo Baxday Shalay C/raxmaand Faroole, wuxuuna sheegay inuu diidan 30 Qodob oo ka mid ah dastuurka.
Mr Daahir Waxa Uu Yiri Somalida Waxaa looga baahan yahay In ey Ku hishiiyaan Dastuurka Ay Sameysteen Qodobada La Dhaliilsanyahaynay Laga wada Hadlo laguna Hishiiyo ha Dii Leysku Af garan Waayana Laga Saaro dastuurka Si loo helo Dowlad Iyo Dastuur Soomaali idilkeed Lagu Dhaqmo.
“Anagoo waaya aragnimo ka qaadaneyna shirarkii ka dhacay London, hadalkii Ismaaciil Cumar Geelle, hadaladii madaxda caalamka Soomaalidu waa in wixii ka dambeeya bisha Agosto ay sameysato Baarlamaan haddii kale dalka maxmiyad ayuu gelayaa.
Dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed ayuu Daahir Mire Jibril ku booriyay inay u istaagaan sidii dalkooda ay ugu sameysan lahaayeen dowlad rasmin ah, wuxuuna caddeeyay in jaaniskii ugu dambeeyay uu yahay dhaqan gelinta dastuurka, dhismaha baarlamaanka iyo asaaska dowlad ka dhalata dalka Soomaaliya.