Bandowgani Xalay Lagu Soo Rogay Xeroyin Dhabaab iyo Ifo Ayaa La Sheegayaa In Lagu Xaqiijinayay Amaanka Gobalka W/Bari Ee Dalka Kenya oo looga hortagyo Xaaladaha Amaan Daro oo Sanadyadan oo Laga Bartay Xerooyinkaasi.
Bandowgaan Ay Xalay ku Soo Rogeen Ciidamada Dowladda Kenya xerooyinka ay ku jiraan qaxootiga Soomaalida ee ku yaala gobolka W/Bari Kenya ee Dhadhaab iyo Ifo, iyadoo xalay isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsigaba hakad Ay Giliyeen kaddib markii bandowga uu ka dhaqan galay xerooyinkaasi.
Taliyaha Ciidamada police-ka Gobalka W/Bari ee Dalka kenya ayaa waxa uu Sheegay In Ciidamadooda Ay Gacan Bir Ah Ku Qaban doonaan Amaanka Xeroyinkani Oo Faraha Ka sii Baxayay, Taliyaha Ciidamada Police-ka Waxaa uu Intaa Ku Daray In Kooxa Ka Sheeqeeya Amaan Darada Ay Ka cirib tiri Doonaan Gobalkaasi.
Taliye Muenster Oo Mar La Hadlayay Shacabka Soomaaliyeed ee Ku Dhaqan Xeryaha qoxootiga Dhadhaab iyo Ifo ayaa Waxaa uu Balan Kaga Qaaday in koldambe uusan Dhici Doonin Fal Cabsi Galiya Dadka Somaliyeed ee Ka Soo Barakacad gobalada Dalka Soomaaliyeed.
Bandowga Xalay ka dhaqan Galay Xerooyinka Dhadhaab iyo Ifo ayaa la sheegayaa in lagu arkayay labada xero ciidamada Booliska wadanka Kenya, kuwaasi oo iyagu Qabqabteen tiro Shacab Ah oo U Badnaa Dhalinyaro oo ay uga shakiyeen inay halkaasi ka abaabulayeen falal amni Daro.
Bandowgaan Ayaa waxa Uu Ku Soo Begmay Xili nin ganacsade Somali ah oo ku sugan xerada Dhadhaab kooxo hubeysan ay kala baxeen gurigiisa, isla markaana ku khasbeen inuu furo dukaan uu halkaasi ku lahaa, iyagoona kooxaha burcadda ah dukaankaasi kala baxay lacag ka badan Laba Malyan oo Shilinka Kenya.
Wararka Soo Iminka Soo gaaraya Xafiiska War Qabadka Warsom.com ayaa sheegaya in saakay xaaladu Ay Tahay Mid dagan , iyadoo bandowgana laga qaaday xerooyinka Dhadhaab iyo Ifo Ee gobalka W/Bari Ee Dalka Kenya .