Shidaalka Somaliland oo Xukuumaddu Sheegtay In Iyadu Soo Gadi Doonto Siina Gadi Doonto.

0
586

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay dalka keeni doonto shiidaalka,isla markaana shirkadaha soo dajiyaa ay dawladda ka iibsan doonaan.

Sidaas wax lagu sheegay wareegta ka soo baxday maareeyaha haamaha shiidaalka Berbera Xassan Axmed Ambasi, waxaanu sheegay inay dawladdu shiidaalka soo dejin doonto, isla markaana ay shirkaduhu ka iibsan doonaan dawladda, taas oo ay dib usii iibin doonaan.

“Duco iyo salaam ka dib, waxaan idinku wargaliinaynaa in laga bilaabo bisha 01 bisha Octobar ay dawladu ku talo jirto in ay soo dejiso shiidaal Batrool ah, sidaas darteed, waxaan idinku marti qaadaynaa anaga oo qadarin iyo xushmad weyn idin hayna, in aad noqotaan macaamiishii naga iibsanaysa batroolka si aad idinkuna shiidalka suuqa ugu sii iibisaan iyada oo laydin saari doono faa’iido macquul ah, aad iyo aad ayaanu idin ku dhiiriggelinayna in aad arintaas nagala shaqaysaa.”ayaa lagu yidhi wargalinta ka soo baxay Maareeyaha Haamaha shiidaalka Somaliand, waxaanu ku socodsiinayey shirkadaha keena shiidaalka.

“Waxaan hadaba idinka codsanayna in aad sida ugu dhakhsiyaha badan noogu soo gudbisaan jawaabta aqbalaada ah oo aad ku muujisaan rabitaankiina arrintan la xidhiidha iyada oo ay jiri doonaan heshiiishyo aynu arrintan ku wada gali doonno maalmahan.”ayaa lagu sii daray qoraalka.

Waa markii ugu horeysay ee xukuumadda Somaliland shiidaal soo dajiso,isla markaana shirkadihii dibada ka keeni jirey lagu wargaliyo inay macmiil u noqdaan dawlada oo shiidaalka ka iibsadaan si ay dadka uga sii iibiyaan.