Ra’iisal wasaaraha xukuuamadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay khudbad ka jeedinayay furitanka shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, ayaa ka digay in ay jiraan dad dano siyaasadeed ka dhax raadinaya dhismaha Galmudug.
”Waxaa laga yaabaa in qaarkiin in aad isku heysataa Annigu maxaan heli doonnaa, shirkan siduu noqon doonaa, taa badalkeeda waxaan leeyahay waa in aad wax yar ka fikirtaan kuwa mustaqbalkooda uu ku xiran yahay sida aad u dhaqantaan ama aad u fikirtaan” ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.
Isaga oo hadal ka jeedinayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayuu sheegay in shirkan uu gogol xar u noqon doono hay’adaihii kala duwanaa uu lahaa Maamulka Galmudug lana doonayo in la sii xoojiyo.
Hadalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan Siyaasiyiin farabadan oo doonaya in ay ku loo lamaan doorashada Galmudug,kuwaas oo haatan bilaabay ololohooda musharaxnimo.
Dhawaan kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyay mid ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha Galmudug Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Odawaaa oo ka tirsan xisbiga UPD ee uu madaxda ka yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.











