Wararka SOomaaliya(WAkaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Wasiirka difaaca dalka Xuseen Carab Ciise ayaa xusay in ciidamada dowladda TFG-da ah ee Soomaaliya ay dalka ka wadaan dagaalo ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab waxa uuna sheegay in dhowaan ay soo afjaridoonaan dagalka ay kula jiraan shabaab.
Xuseen Carab Ciise Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo shacabka ay ka dhaxeyso wada shaqeyn buuxda Oo isaga kaashadaan amaanka goobaha ay ku suganyihiin ciidamada Dowladda TFG-da.
Wasaaradda gaashaan dhigga Soomaaliya Hadlka kasoo yeeray ayaa kusoo beegmaya xilli bilihii u danbeeyey ciidamada dowladda iyo xulafadooda ajaanibta ahi ay qabsadeen deegaano badan oo ay horay Uga Arimi Jireen Xarakada Al-shabaab.
Wararka SOomaaliya(WAkaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)





