Weriyayaasha Muqdisho oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyey Kaamiro Manka Madaxweyne Shariifka TFG-da C/qaadir Wehliye

0
831

C/qaadir Wehliye oo la sheegay in uu u yahay Kaamiro Man Madaxweyne Shariifka Soomaaliya ayaa la sheegay in dhibaatooyin ay ku qabaan Wariyayaasha howlaha shaqo u aada Xarunta Madaxtooyada Ee Magaalada Muqdisho.

Wariyayaashaasi qaarkood oo la soo xiriiray wakaalada wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com oo codsaday in magacyadooda la sheegin sababo amni ayaa waxay sheegeen in C/qaadir Wehliye uu ku haayo Saxaafada Muqdisho kala Takoor iyo fakhuukh jeebkiisa ah waxayna wariyayaasha ay sheegeen in si weyn uu u tixgiliyo C/qaadir Wehliye Hablaha Suxufiyiinta kuwaasoo waji uunka ka sameysaneynin ragga uu ka sameesto suxufiyiinta Dumarka ah

Waxayna wariyayaasha Muqdisho ay ugu baaqeen Madaxaweynaha TFG-da in uu cabashadooda uu wax ka qabto isla markaana arinta warbaahinta uu u xilsaaro dad aqoon u leh arimaha saxaafadda

Hadaba isweydiintu waxay tahay C/qaadir Wehliye oo ah Kaamiro Man-ka Madaxweynaha waxaa ka galay wariyayaasha soo aadaya xarunta Madaxtooyada

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(info@warsom.com & webmaster@warsom.com)