Xildhibaan Aadam Isaaq:-“Hadalada Cabdiraxmaan C/Shakuur Waxa Ay Dhiirigelinayaan Al-shabaab.

0
474

Xildhibaan Aadam Isaaq Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedaymo shalay uga yimi Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Wasiirku waxa uu sheegay in hadalada Cabdiraxmaan ay yihiin kuwa dhiirigelinaya Alshabaab.

” Waxaan aad uga xumahay dad sheeganayaa mucaraad inay sheegaan warar noocaan oo kale ah waana kuwa dhiiragelinaya Al-Shabaab, sidoo kalena niyadjab ku abuuraya shacabka, shaqsiyaad ku dhexjira dowladda in ay hadalkaasi sheegaan ay tahay gef iyo mas’uuliyad darro ayuu yiri” Wasiir Aadan Isaaq oo Waraysi siiyay idaacada BBC.

Wasiirka waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad ka saaran ilaalinta hantida iyo badqabka Shacabka Soomaliyeed, hase ahaatee hadallada qaar looga wanaagsanaa in aan Shabaab lagu dhiiragelin.