Doorasho Qof iyo Cod ah In ay Soomaaliya Ka Dhacdo oo Mareykanku Dhiiri Gelinayo.

0
484

Bayaan ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibadda Mareynka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku dhiirigalineyso hormarada kala duwan ee lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Morgan Ortagus, ayaa faah faahisay kulankii maalintii shalay Muqdisho ku dhaxmaray kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, David Hale iyo ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayeey sheegtay in uu xog ka siiyay Hale hormarada kala duwan oo ay dowladda ku tallaabsatay muddadii ay jirtay, gaar ahaan marka la eego dhinacyada Amniga, Siyaasadda buuxinta sharuudihii looga baahnaa ee ku xirnaa in Soomaaliya laga dhaafo deymaha lagu leeyahay.

Bayaanka ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku dhiiri-galinayo sidoo kale Doorashada dabayaaqada bishan lagu wado in ay ka dhacdo Jubbaland iyo in Soomaaliya ay ku sii socto dhabaha dey cafinta taas oo ka gacan siin doonta in laga dhaafo deynta lagu leeyahay.

Ugu danbeyntii labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda howl-gallada amni ee lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab haystaan iyo diyaarinta ciidamo Soomaaliyeed oo kala wareega AMISOM.