Waxaa galabta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug lagu dilay Suxufi Farxaan Jeemis Cabdile oo kamid ahaa hawlwadeenada Idaacada Daljir.

0
507

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom

Marxuumka ayaa waxaa  toogteen kooxo ku hubeysan bistoolado xili uu kusii jeeday gurriga uu ka degen yahay magaalada Gaalkacyo. Mana jirto cid illaa iyo hada loo soo qabtay dilka suxufigan ka shaqeenayay Idaacada Daljir Ee Gaal Kacyo.

Ilaa Iyo Haatan Macada sababta ka danbeysa dilka suxufigan balse maaha markii ugu horeysay oo magaalada Gaalkacyo dil noocaan ah uu ka dhaco, ayadoo horey magaalada loogu dilay suxufiyiin, waxgarad, issimo, nabadoono iyo waliba saraakiil ka tirsan dowlada Puntland.

Hay’adaha amaanka iyo dowlada ayaan wax war ah kasoo saarin dilka suxufigan dhalinta yar ayadoo horey kooxo sidan u hubeysan ay muddo todobaadyo kahor ah ku dileen magaalada Gaalkacyo suxufi Cali Axmed Cabdi oo asaguna horey uga shaqeyn jiray idaacada Radio Gaalkacyo.

Dilka suxufigan ayaa kusoo beegmaya xili maanta magaalada Gaalkacyo lagu xusay maalinta Madax-banaanida Saxaafadda’

Alle Ha U Naxariisto Inaalilaahi Wa’innaa Ileeyhi Raajicuun