Ra’iisul Wasaare Gaas Oo Sheegay In Xukuumaddiisu Ay Soo Dhoweyneyso Wadahadal Ay La Yeelato Al-shabaab Hadii Ay Ajandeyaashooda Wax Ka Bedelaan.

0
1130
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Prof Gaas ayaa tilmaamay in ajendaha Al-shabaab uu ka tegey mid Soomaaliyeed laga soo bilaabo xiligii ay ku biireen ururka Al-qaacida sidaas darteedna aan wada hadal lala furi karin.

“Al-shabaab waa urur xagjir ah, ajande Soomaaliyeedna aan lahayn, rabana inay ujeedooyinkooda ku gaaraan xoog, taasina ma ahan mid la aqbali karo”

Ra’iisul wasaaraha ayaa yiri.
Wuxuuna itnaas ku daray: ” Al-shabaab hadii ay ajande Soomaaliyeed yeeshaan, nabadna doortaan, waan soo dhoweyneynaa, waanuna la hadlaynaa”.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhinaca kale mar uu ka hadlayey waxa u qabsoomay xukuuumadiisa, wuxuu sheegay in ay wax badan ku guuleysatey, yoolkeeda ugu weynini uu yahay sidii Roodmap-ka loo dhamaystiri lahaa.
Cabdiweli Maxamed Cali oo tilmaamayey sida uu ka mira dhalinta Roadmap-ku ugu weyn yahay waxaa hadaladiisii kamid ahaa: “Fox-kaygu waa Roadmap Roadmap Roadmap”.
Wasiirka 1-aad ee xukuumadda FKMG ah ayaa ugu danbentii yiri: ” Aniga waxay ila tahay hadii la gaaro August oo aan arko Soomaaliya oo la xoreeyey, Soomaaliya oo Dastuur leh, Soomaaliya oo dowlad leh inaan ahay qof waajibkiisii shakhsinimo gutey”
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ka dhawaajisay inay diyaar u tahay wada hadal ay la furto Al-shabaab, haseyeeshee waxaa arintaas ka biyo diidey Al-shabaab oo iyagu ku adkaystey mowqifkooda sheegaynaya inaysan wax ka bedeli doonin.