Tiro Caruur Lasoo Xaday Oo Lagu Qabtay Dekedda Magaalada Berbera Ee Maamulka Somaliland.

0
464

 

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Caruurtan oo 9-ah isuguna jira wiilal iyo gabdho ayaa waxaa watey labo qof oo ay dhalashadoodu Itoobiyaan tahay.

Waxayna ka yimaadeen dalka Yemen iyagoo la socdey markab yar oo lagu magacaabo NOPE-2.

Labadan qof ee caruurtaas watey oo laga shekiyey xiligii ay dekedda kaso degeen ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Booliska.

Waxayna ku xiran yihiin xabsiga dhexe ee magaalada Berbera halkaas oo si xoogan loogu baarayo.

Xadidda caruurta ayaa sanadihii u danbeeyey si aad ah uga soo badaneysey wadamada geeska Africa gaar ahaan Soomaaliya.

Dhowaan ayeyna ahayd markii sidan oo kale 9-caruur ah oo laga soo xaday gobolada koonfureed lagu qabtay kantaroolka magaalada Boosaaso.

Caruurtaas oo isugu jirey 8-gabdhood iyo wiil ayaa markii danbe diyaarad laga saaray magaalada Gaalkacayo iyagoo loo dhoofiyey deegaanadii ay ka yimeedeen.

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)