Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Mid kamid ah saraakiisha ajnebiga ah ee tababara ciidamada badda ee Puntland ayaa maanta gelinkii danbe lagu diley meel u dhow deegaanka Timirshe ee degmada Isku-shuban.
Dilka ninkan ayaa yimid kadib markii ay murmeen askar ka tirsan ciidamada badda kuwaas oo qayb ka ah ciidamo dhowaan tegey duleedka degmada Isku-shuban.
Askartaas ayaa la sheegay inay amar la’aan kula baxeen gaadiid kuwa dagaalka ah kadibna markii ay soo noqdeen uu bilowday muran dhex maray iyaga oo ninkaas ajnebiga ah ee Meesha Lagu diley.
Tababarihii Ajanabiga Ahaa Ayaa Sida La Sheegay Waxa Uu Dharbaaxhso Ku Dhuftay Askarigii Soomaaliga Ahaa Oo Qaatay Gaaraiga Dharbaaxadaas kadib ayaa waxaa sii xoogeystey muranka iyadoo askarigii Soomaaliga ahaa ee la dharbaaxayna uu intaas kadib aad u xanaaqey, kadibna baas ku furay ninkii ajnebiga ahaa ee gacanta u qaaday.
Meydka ninkan cadaanka ah oo ay diyaarad gaar ahi soo qaadey ayaa lasoo gaarsiiyey magaalada Boosaaso, waxaana la filayaa in loo sii gudbiyo dhinaca dalka Jabuuti.
Dhacdadan ayaa ah tii ugu horeysey ee nooceeda ah ee dhacda tan iyo intii la asaasay ciidamada badda ee Puntland.
Waxaana ciidamadaas tababara saraakiil ajnebi ah oo ka tirsan shirkado howlaha tababarista ciidamada ka shaqeeya kuwaasoo in badan oo bulshada kamid ahi howsha ay wadaan ay walaac ka muujiyeen.
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)