Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta wareegto ku soo saaray inuu laallay xaaladdii degdega ahayd ee uu ku soo rogay deegaannada Ceerigaabo, Ceel-afweyn iyo Gar-adag oo ka tirsan gobolka Sanaag.
“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/WAG/WG/ CQS/081/4/224/ 234/037-332/062019, uu ku laalay xaaladii deg-dega ahayd ee hore loogu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxwyne Biixi.
Qoraalka wareegtadan waxay u qornayd sidan:
Ujeedo: Laalis Xaalad Deg-deg ah
Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida Hargeysa
Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Hargeysa
Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qaranka Hargeysa
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad;
Markaan Arkay: In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn;
Markaan Arkay: In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi;
Markaan La-tashaday Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso;
Waxaan Go’aamiyey;
1) In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd.
2) In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga.”,
Xaalada degdega ahayd ee lagu soo rogay qaybo ka mid ah deegaanka gobolka Sanaag waxa ka hor yimid labada gole baarlamaan ee Somaliland, taasina waxay keentay in maanta madaxweynuhu dib uga noqdo go’aankaasi xaalada degdeg ah.





