Dowlada Mareykanka Oo Ciidamo Dheeri Ah U Diray Bariga-Dhexe.

0
511
The colors are retired at the end of mission ceremony in Baghdad, Iraq December 15, 2011. Secretary Panetta spoke and told the troops that they will leave Iraq with great and lasting pride knowing that their sacrifice helped the Iraqi people..(DOD Photo by Erin A. Kirk-Cuomo)(Released)

Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa Isniintii shaacisay inay ciidamo dheeraad ah u direyso Bariga-Dhexe, xili ay sii xoogeysaneyso xiisada u dhaxeysa xulafada Maraykanka iyo IRAN.

Kusimaha Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka Patrick Shanahan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciidamo ka badan 1000 askari ay u dirayaan Bariga-Dhexe, si ciidamadaasi ay gacan usiiyaan askarta difaacda Saldhigyada Maraykanka uu ku leeyahay gobalka.

Go’aankan ayaa lagu soo beegay maalmo kadib markii uu Maraykanka ku eedeeyey Iran inay ka danbeysay Maraakiibtii lagu weeraray Gacanka Cumaan.

Maraykanka ayaa horey Maraakiib dagaal, diyaaradaha wax duqeeya iyo ciidamo u geeyey saldhigyada uu ku leeyahay dalalka Khaliijka bishii lasoo dhaafay.

Dowlada Iran ayaa sheegtay in dhamaan dhaq dhaqaaqyada ka socda gobalka oo ay wadaan Maraykanka iyo xulafadiisa (Israel, Sacuudiga iyo Imaaraatiga) ay qeyb ka tahay qorshe balaaran oo ay ku abaabulayaan dagaal lagu soo qaado wadankooda.