Gen. TigabuYilma Wondimhunegn Oo Ah Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa Isniintii shalay booqday deegaanka Bariire oo dhawaan laga saaray Al Shabaab oo horey halkaasi gacanta ugu heysay.
Waxaa taliyaha AMISOM ku wehliyey kormeerka Abaanduulaaha (Sector One) Brig Michael Kabango iyo saraakiil ka socota ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Saraakiishan oo la hadlay ciidamada AMISOM iyo kuwa SNA ee ku sugan Bariire ayaa sheegay in loo baahan yahay inay sii wadaan hawlgalka lagu xoreenayo deegaankaasi oo horey u ahaa goob ay Kooxda Al Shabaab ku qaado canshuurta isla markaana kasoo abaabusho weerarada ka dhaca gobalkaasi Shabeelada Hoose iyo nawaaxigeeda sida caasimada Muqdisho.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa SNA oo saldhig ka sameystay deegaanka Bariire ayey saraakiisha booqday ugu baaqeen inay si aad ah uga feejignaadaan weeraro uga imaan kara Al Shabaab oo weli ku sugan nawaaxigaasi.






