Wasiirka Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed C Cawad iyo Safiirka China U Fadhiya Soomaaliya oo Wadahadal Ku Yeeshay Muqdisho.

0
487

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China Mudane Qin Jian.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal oo ay ku jirto ganacsiga, maalgeshiga, isdhaafsiga khibradaha iyo tiknoloojiyadaha la oggolyahay iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada.

Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dowladaha sidaweyn u taageera Soomaaliya,waxaana ay ka fulisay mashaariic horumarineyd oo dhowr ah, iyada oo heshiisyo la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.