Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliya Ee Warsom
Ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa saakay si weyn loo xoojiyay, waxaana xeran waddooyinka magaalada, halkaasi oo ay ku sugan ciidammada sida gaarka ah u Tababarran ee Alpha Group, xilli ay magaalada ka socota dabaal dagga sannad guurrada 52-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ciidammada Alpha Group ayaa saakay la wareegay ammaanka guud ee caaasimadda dalka ee Muqdisho, iyagoo xeray dhammaan waddooyinka magaalada, isla markaana la soconaya dhaq dhaqaaqa guud ee dadka iyo gadiidka, si jawi deggan loogu dabaal daggo sannad guurrada 52-aad ee aas aaska ciidammada Xoogga dalkeenna Soomaaliya.
Sidoo kale ciidammada Alpha Group oo ka mid ah ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saakay markii ugu horreysan farriisimo ka sameyntay dulleedyada magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka illaalin doonaan ammaanka magaalada Muqdisho oo maanta marti gallineysa dagaal dagga sannad guurrada 52-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya.
Waxaan deggan guud ahaan jawiga caasimadda, iyadoo aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ka baxan ciidamamda oo waddooyin magaalada oo idil ku sugan.
Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliya Ee Warsom