Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom
Prof. Cabdiweli Maxamed CaliGaas Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi caalami ah ee ka tirsan xubnaha ugu sareeyo ee gudiga madaxa banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimadda Islamarkaana manta soo gaaray muqdisho.
Wafidiga Iyo Gaas ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha bini’aadanimo, Xuquuqul Insaanka iyo waliba Xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.
Wada Hadalka kadib ayaa Waxaa saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Shamsu daar. Madaxa gudiga madaxa banana ee Qaramada Midoobay
Ra’iisul Wasaaraha Aya Ugu horeyn warbaahinta la hadlay oo saxaafadda u sheegay waxa ay ka wada hadleen xubnaha ka tirsan Qaramada Midoobay Ee Dalka Soo Gaaray.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo hadal qaaday iney ka wada hadleyn dhowrista Xuquuqda Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo waliba sidii la isaga kaashan lahaa, wuxuuna Wariyayaasha ku amaaney iney duruufo adag ku shaqeyaan mararka qaarna ay la kulmaan dhibaatooyin balse laga gudbi doono dhamaan arrimahaasi Oo Idil.
Shamsu daar oo ah madaxa gudiga madaxabanaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka, Oo Isna Dhinaca kale, Saxaafadda la hadlay Wuxuuna ugu horeyn u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo sida loogu soo dhaweeyay xafiis,
Wuxuuna warbaahinta u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado Magaalada Muqdisho, Islamarkaana uu gudigiisa dadka Soomaaliyeed uu kala shaqeeyo hormarinta arrimaha Xuquuqul Insaanka ayna xiriir wanaagsan la leeyihiin dowladda TFG-da
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom