Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya oo Guddi Qabanqaabo Loo Magacaabey Akhriso Magacyada.

0
499
Raiisul wasaaraha  Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya.

Guddigan uu u magacaabay ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan qaban qaabada,sanadguuradii 59,aad ee ka soo wareegatay xorriyadda,midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,kaasi oo ka kooban 7 xubnod.

Halkan ka akhriso magacyada guddiga:

1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta -Guddoomiye.

2: Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda -Xubin

3: Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga -Xubin.

3: Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Amniga Gudaha -Xubin.

4: Khadiijo Maxamed Diiriye ,Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha -Xubin.

5: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf ,wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka -Xubin.

6: Sadiiq Xirsi Warfaa, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada -Xubin.
7: Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir -Xubin

8: Bashiir Axmed Cusmaan, Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka -Xubin

Shaqada ay qabanayaan ayaa ah;

1: In ay qaban-qaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26 June iyo 1 Luuliyo.

2: In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha xorriyyadda.

3: In ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda.

4: In ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda.

5: In ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee  lagu qabanayo munaasabadaha 26 June iyo 1-da Luulyo 2019.

6: In ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.