Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya ayaa la sheeey in uu saakay isku dhex daldalay xerada Sheelare degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in aan la xaqiijin karin sababaha ka dambeysa in uu is dilo sarkaalkaasi.
Marxuumkan oo lagu magacaabi jirey Cabdi Cali Seed ayaa la sheegey in uu isdaldalay isagoo xiran labiksa ciidanka booliska soomaaliyeed iyo darajada Gaashaanle Dhexe iyadoona marxuumkaasi uu ifka kaga tagay ilaa iyo 6-caruur ah oo uu isaga dhalay.
Haddaba sida ay arrintan u dhacday iyo sababta ayaa waxaa warbaahinta u faah faahisay xaaska sarkaalkaas oo lagu magacaabo Deeqa Axmed Xassan. waxayna sheegtay in dhawaan lagu soo wargeliyay in ay ka guuraan goobta ay deganyihiin islamarkaasna uu sarkaalka is dilay uu ka biyo diiday amarka ka soo baxay taliska ciidanka booliska sababahaasna uu ka dambeeyo arinkaan.
Dhanka kale Warar ayaa Sheegaya In Sarkaalkani Dhintey Aanu Is Dilin ee Dad Kale Ka Danbeeyaan Dilkiisa Waxaana La Sheegayaa in Meydkiisa Aan Baaritaan Loo Ogolaan Eheladiisii Loona Diiday In ay Iyagu Aastaan ee Taliska Booliska iyo Saraakiil Dilka Lagu Tuhmayaa Aaseen Sarkaalka Taas oo Keeni Karta Tuhumo Kale oo Saraakiil Boolis ah Lagu Tuhmayo iyo Xadgudub Dhanka Eheladiisa iyo Qoyskiisa Lagula Kacey,Wixii Kasoo Kordha Waan Idinla Wadaageynaa Inha Allaah.
.