
Jabahadda ONLF ayaa war qoraal ah ka soo saartay banaanbaxyo rabshado watay oo maalmihii la soo dhaafayay ka dhacayay magaalada Wardheer ee gobolka Doolo ee dalka Ethiopia halkaasoo ay kuwada suganyihiin qoomiyada badan.
Banaanbaxyadaas ayaa intii ay socdeen waxay ciidamada boolisku dalka itoobiya ay ku xirxireen dad badan, qaar kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo aad u cul sulus kuwaasoo la dhigay isbitaalada ku yaala deegaanada ay ka socdeen dibad baxyadaasi.
Hadalkaani kasoo baxay jabhada ONLF ayaa dad badani waxay is weydiinayaa ma noqondoontaa mid ku dhaca dhagaha masuuliyiinta dalkaasi islamarkaana ma dhici doontaa in ay talaabo ku aadan dejinta rabshadaha ka taagan deeganadaasi ay ka jiraan banaan baxyada.
.
.