Xarakada Al-shabaab Oo Faah Faahin Ka Bixisay Hubkii Dhawaan Laga Helay Siinka Dheer Ee Duleed Muqdisho.

0
543

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

 

Xarakada Al-shabaab ayaa faah faahin ka bixiyay Hubkii dhawaan laga helay deegaanka Siinka Dheer iyadoo Talisku sheegay in hubkaasi loo bandhigi doono Shareecada Islaamka

Sheekh C/Caziiz Abu Muscab

Afhayeenka Ciidanka Xarakada Al-shabaab  Oo wareysi siinayay Mid Ka Mid Ah Idaacadaha Ku Hadla Afka Al-shabaab ayaa  wuxuu tilmaamay hubka laga helay Siinka Dheer in ay gacanta ku hayaan Ciidanka isla markaana ciddii sheeganeysa Milkiyaddiisa ay diyaar u yihiin in ay ku kala baxaan Maxkamadda Shareecada Islaamka.

“Waa jirtaa in hub aad u badan ay Mujaahidiintu ka heleen guri laga dhex qoday guri kale , hubkaasi oo nuucyada kala duwan isugu jiray waxaa ka mid ahaa madaafiicda taankiyada lagula dagaalamo, hadda waxaa gacanta ku haya Mujaahidinta, ciddii sheeganeysa milkiyadda hubkaasi waxey Mujaahidiintu diyaar u yihiin in ay Shareecada Islaamka ku kala baxaan oo la hortago” sidaasi waxaa yiri Sheekh Abu Muscab Oo afahayeenka Ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Shalay ayay ahayd markii uu Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Sar Sare Ee Al-shabaab uu ka sheegay masjid ku yaalla Lafoole in hubka laga helay guriga uu lahaa shaqsi Muslim ah oo aanu magacaabin, waxaana shaqsi ahaan uu iska fogeeyay in uu isagu leeyahay.

Dad badan ayaa wax iska weydiinaya sida uu ku dhamaan doono kiiskan iyo cidda suuragalka ah in ay hubkaasi soo sheegato oo ay Maxkamadda Shareecada Islaamka timaado, waxaana jira dad Culimo ah oo arrintan laga yaabo in ay go’aan ka soo saaraan, wallow ilaa hadda aan laheyn qof toos u sheeganaya lahaanshiyaha hubka.

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)