Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Waydow ee duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay dileen darawal watay Mooto Bajaaj.
Darawalkaan ayaa waxaa dilay Ciidan saarnaa gaari Cabdi bile ah oo maraayay deegaanka Waydow, waxaana wararka ay sheegayaan inuu baxsaday gaarigii ciidanka ay saarnaayeen ee dilkaasi gaystay.
Maydka Wiilka Mooto Bajaajlaha oo xabada madaxa ay kaga dhacday ayaa muddo wuxuu yaalay deegaanka Waydow.
Eheladiisa oo markii dambe gaaray goobta falka uu ka dhacay ayaa waxa ay halkaasi ka soo qaadeen maydka Marxuumka oo ay geeyeen Xarunta Dambi Baarista Booliska Somaliyed.
Illaa hadda lama garanaayo gaariga Cabdi bilaha ah ee dilay wiilkaan dhalinyarada ah, kuwaasi oo ka baxsaday goobta ay ku dileen Marxuumka.
Ciidamada dowladda ayaa tacadiyan u gaysta dadka shacabka ah ee Muqdisho ku nool, iyadoo ay sii kordhayaan dilalka loo gaysanaayo dhalinyarada Mooto Bajaajta ku shaqeysta.