Dr.C/wali Gaas Oo Kormeer Ku Tagay Jiida Hore Ee Dhufeysyada Degmada Dayniile Ee Duleedka Muqdisho

0
552

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

C/wali |Gaas

ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehlinayay Mudane Xuseen Carab Ciise Wasiirka Gaashaandhigga dowladda TFG-da, Mudane Fiqi iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Iyo Saraakiil Kale Oo Ka Tirsan Dwolada Soomaaliya .
Ra’iisul Wasaaruhu Ayaa halkaasi ku soo dhaweeyay taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen.Diini iyo abaanduulaha ciidnak Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Dhagabadan iyo Taliye ku xigeenka ciidanka AMISOM, waxaa warbixin ka siiyay taliye ku xigeenka AMISOM isla maraana sheegay in wakhti aan fogayn la wareegi doonaan Afgooye iyo Ceelasha Biyaha
Warbixinadaas kadib waxaa isna goobtaas ka hadlay Xuseen Carab Ciise wasiirka Gashaandhiga  isagoo tibaaxay in ciidanka Qaranku iska leeyihiin Mudnaanta koowaad dowladuna ku dadaalayso sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda oo dhamaystiran,
Sidoo  kale waxaa isna goobtaas hadal kajeediyey Ra’iisul wasaare Gaas oo u mahadcelieyey ciidamada Dowlda TFG-da iyo kuwa AMISOM.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka dowladda islamarkaana ay kala shaqeeyaan nabadda galyada dalka Si Buu Yiri Loo Sugo Guud Ahaan Amaanka Dalka.

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)